Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Garowe shirka Daahfurka Qorshaha Istiraajiiyadda shanta (2025-2029), iyo Dib-u-eegista Qorshihii hore oo ka koobnaa saddex sano (2022-2024)

Garowe 24-7-2024 .

Furitaanka shirka waxaa kasoo qaybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Howlaha Guud, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, Guddoomiyaha hay’adda Wadooyinka Puntland, Guddoomiye ku-xigeenka, agaasimayaasha waaxyaha PHA, marti sharaf ka socotay bah-wadaagta hay’adda iyo marti sharaf kale. Shirka oo hal maalin socon doona ayaa looga doodi doonaa qorshayaasha hay’adda ay ku shaqayn doonto shanta sano ee so socota.

Diyaarinta qorshahan waxaa hay’adda kala shaqayn doona shirkadda Soredco

#PHA