03-July-2025
Bacaadweyn: 03 July 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni oo safar shaqo ku tegay Deegaanka Bacaadweyn, ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Bacaadweyn iyo Gaalkacyo, taasi oo lagu dhisayo isku tashi iyo cashuurta shacabka laga qaado oo dalka dib loogu dhisayo.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Madax kala duwan, Wasiirka Hawlahaguud, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland Isimo, waxgaarad, qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo Injineerada shirkadaha dhisaya waddada.









