KORMEERKA DHISMAHA WADDADA GAALKACYO – BACAADWEYN (QAYBTA DUSMADA GALKACYO)

07-Sept-2025

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud, ayna ka mid ahaayeen Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA), ayaa kormeer shaqo ku tagay dhismaha waddada Gaalkacyo – Bacaadweyn (Qaybta Dusmada oo ay gacanta ku hayso shirkadda Albashid).

Wafdiga waxaa halkaas si diirran ugu soo dhaweeyey Maareeyaha shirkadda Albashid, oo fulinaysa dhismaha qeybta waddadan muhiimka ah, kaas oo faahfaahin ka bixiyey halka ay shaqadu marayso.

Wasiirka Maaliyadda Puntland ayaa xusay muhiimadda ay leedahay waddadan istaraatiijiga ah, isagoo carrabka ku adkeeyey sida ay Dowladda Puntland uga go’an tahay horumarinta iyo ballaarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Masuuliyiinta kale ee la socday ayaa sidoo kale bogaadiyey shaqada quruxda badan ee ay qabayaan shaqaalaha mashruuca ee shirkadda Albashid, iyagoo uga mahadceliyey dedaalka joogtada ah ee ay muujiyeen.

Mashruuca waddadan muhiimka ah wuxuu ka mid yahay mashaariicda istaraatiijiga ah ee lagu hirgelinayo canshuurta shacabka Puntland, taas oo muujinaysa dadaalka wadajirka ah ee dowladda iyo bulshada Puntland ku horumarinayaan isku xirka magaalooyinka.