KORMEERKA DHISMAHA LAAMIGA BIRTA-DHEER – KALABAYR.

06-Sept-2025

Maanta waxaa socdaal shaqo iyo kormeer ku tagay dhismaha laamiga muhiimka ah ee isku xira Birta-dheer – Kalabayr wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayey Wasiirka Maaliyadda Puntland, Mudane Maxamed Faarax Maxamuud, oo ay wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud, xubno ka tirsan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka Puntland, Ganacsade Jaamac Dhagadheere (xubin ka tirsan Guddiga Sare ee PHA) iyo masuuliyiin kale.

Waftiga ayaa halkaas ku soo dhaweeyey Maamulaha shirkadda Kebarco, Faysal Xasan Yacquub, oo fulinaysa dhismaha laamigan dhererkiisu yahay 20km, iyadoo 18.5km oo laami ah si rasmi ah loo dhammaystiray.

Mashruucan muhiimka ah waxaa lagu hirgelinayaa canshuurta shacabka Puntland, taas oo muujinaysa sida dowladda iyo bulshada ay si wadajir ah ugu heelan yihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xirka magaalooyinka.

Masuuliyiinta waftiga ayaa bogaadiyey tayada shaqada shirkadda, iyagoo ku dhiirrigeliyey bulshada iyo ganacsatada in la sii xoojiyo dadaallada dhismaha wadooyinka muhiimka ah ee gobollada Puntland.