Injineerada Hay’adda Waddooyinka Puntland oo lagu tababaray Drone

10-Oct-2024

Garowe

Hay’adda Wadooyinka Dowladda Puntland (PHA), oo ka duulaysa shaqooyinka loo igmaday oo ay ugu horayso Sahminta, lasocoshada dhismaha iyo dayactirka Wadooyinka dowladda Puntland, waxa ay u qabatay injineerada Hay’adda Tababar ku saabsan sahaminta dhulka iyada la isticmaalayo diyaaradaha loogu talagay Sahminta (drone surveying).

Tababarkan waxaa furay Guddoomiyaha Hay’adda PHA Cabdifitaax Maxamed Sugulle, wxuuna Injineerada kula dar-daarmay inay ka faa’iidaystaan fursaddan.

Aqoon kororsigan ayaa soconayay muddo Todobaad ah, wuxuuna isugu jiray (Practical and Theory).

Hay’adda PHA ayaa dhawaan soo iibsatay Diyaaradda dhulka laga hago (Drone) oo loo isticmaalayo sahanka dhulka.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *