Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland (PHA) ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay qalab cusub oo casri ah oo loogu talagalay ilaalinta tayada daamurka wadooyinka iyo sahanka dhismaha (drone survey iyo qalabyo kombiyuutar ah).

GAROWE – 23 Luulyo 2025

Hay’adda Waddooyinka Dowladda Puntland (PHA) ayaa si rasmi ah xarigga uga jartay qalab cusub oo casri ah oo loogu talagalay ilaalinta tayada daamurka wadooyinka iyo sahanka dhismaha (drone survey iyo qalabyo kombiyuutar ah).

Munaasabadda xarig-jarka waxaa si rasmi ah u daahfuray Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guddoomiyaha Hay’adda PHA, Ku-xigeenka Guddoomiyaha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Hawlaha Guud, agaasime waaxyadeedyo, iyo Injineerro ka tirsan Hay’adda PHA.

Qalabkan cusub ee tayadiisu sarreyso ayaa si gaar ah diiradda u saaraya:

✅ Hubinta tayada daamurka wadooyinka – iyadoo la adeegsanayo qalab casri ah oo lagu baaro xajmiga, adkeysiga, iyo waartaanta daamurka si loo helo wadooyin tayo leh oo waara.

✅ Sahan iyo kormeerka dhismaha (Surveying) – iyadoo loo adeegsanayo drone iyo kombiyuutarro wax-soo-saarkoodu sarreeyo, si loo helo xog sax ah oo dhameystiran ka hor inta aan la bilaabin ama la dhammeystirin mashruuc kasta oo waddo dhisme ah.

Qalabkan muhiimka ah waxaa lagu soo iibiyay canshuurta shacabka Puntland iyo baaqi-min lacageed oo ay si hufan u maamushay Hay’adda PHA, taas oo muujinaysa isla xisaabtan iyo daahfurnaan.

PHA waxay sii xoojinaysaa dadaallada lagu xaqiijinayo in Puntland hesho wadooyin tayo leh, waara, oo si casri ah loo maamulo.

#PHA

#HorumarintaKaabayaasha

#Puntland