Guddoomiyaha Hay’adda Waaddooyinka Puntland (PHA) Dr. Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa maanta kormeer ku tagay shaqada dayactirka joogtada ah ee godadka buuxinta jidka laamiga ah ee isku xira Qardho – Boosaaso, gaar ahaan aagga Waaciya

04-Jan-2026

Guddoomiyaha Hay’adda Waaddooyinka Puntland (PHA) Dr. Cabdifitaax Maxamed Sugulle ayaa maanta kormeer ku tagay shaqada dayactirka joogtada ah ee godadka buuxinta jidka laamiga ah ee isku xira Qardho – Boosaaso, gaar ahaan aagga Waaciya.

Shaqadan dayactirka ah ayaa socon doonta 15 maalmood, waxaana horey looga fuliyay qaybo kamid ah jidka Carmo – Qardho, si loo hubiyo badqabka gaadiidka iyo joogtaynta tayada kaabayaasha waddooyinka.

Guddoomiyaha ayaa si weyn u bogaadiyay kooxda dayactirka joogtada ah ee Hay’adda, isagoo ku ammaanay hufnaanta, hawlkarnimada, iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu adeegayaan bulshada, isla markaana mar walba u taagan ilaalinta iyo dayactirka jidadka muhiimka ah ee Puntland.

PHA waxay sii wadi doontaa dadaallada ay ku horumarinayso tayada iyo badqabka jidadka, si loo xaqiijiyo isku-xirnaan dhaqaale iyo mid bulsho oo waarta.