Bacaadweyn – Gaalkacyo | Xarig-jarka Wejiga Koowaad ee Dhismaha Laamiga

11|08|2026 Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa maanta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee dhismaha laamiga isku xira Bacaadweyn iyo Gaalkacyo, kaas oo dhererkiisu yahay 20 KM.

Mashruucan waxaa fulinaysa Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA), iyadoo kaashanaysa shirkadaha qandaraaslayaasha ah ee Kebarco Construction Company, oo dhammaystirtay 13 KM, iyo Albashid Construction Company, oo dhammaystirtay 7 KM. Mashruuca waxaa maalgelinaysa Dowladda Puntland.

Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA) ayaa sidoo kale masuul ka ah kormeerka, dabagalka iyo hubinta tayada shaqada, si loo xaqiijiyo in dhismaha waddadu u dhacayo si waafaqsan heerarka farsamo iyo qorshaha mashruuca.

Sida uu ka warbixiyey Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Dr. Abdifitaax Maxamed Sugulle, maanta waxaa xarigga laga jaray 20 KM, halka ay harsan yihiin 20 KM oo kale oo ka mid ah waddada Bacaadweyn–Gaalkacyo.

Mashruucani wuxuu qayb muhiim ah ka yahay horumarinta kaabayaasha waddooyinka Puntland, fududeynta isu-socodka dadka iyo badeecadaha, iyo xoojinta isku-xirka Bacaadweyn iyo Gaalkacyo.

Xafiiska warfaafinta Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA)

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *