31-Agt-2025
Maanta waxaa si rasmi ah xarigga looga jaray Xarunta Xakamaynta Xamuulka Gaadiidka ee DPL – Bosaso, taas oo ah goob muhiim ah oo lagu hubinayo culayska gaadiidka si loo ilaaliyo tayada iyo cimriga wadooyinka.
Munaasabadda xarig-jarista waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Hawlaha Guud, Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Guddoomiyaha Gobolka Bari, Duqa Degmada Bosaso, Gudoomiye kuxigeenka Rutta ganacsiga Ganacsade Jaamac Dhagadheere
Xildhibaan & Taliyaha Qaybta gobolka Bari.
Intii ka hadashay munaasabadda, Wasiirka Hawlaha Guud Mudane Faarax Cawad oo si rasmi ah u daahfuray Xarunta ayaa i mahadceliyay Hay’adda wadooyinka qalabkaan ay soo kordhisay kuna booriyay gaadiidlayda in ay hubiyaan xamuulka.
Sidoo Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland Dr. Sugule ayaa uga mahadceliyey madaxdii ka soo qayb gashay, isagoo xusay muhiimadda weyn ee xaruntani u leedahay ee Ilaalinta Wadooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, iyo Badbaadada Dadweynaha iyo gaadiidlayda iyo Horumarinta Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Puntland.
Xaruntani oo ah xaruntii u horeesay oo Soomaliya laga sameeyo waxay ka mid tahay dadaallada Dowladda Puntland ku xaqiijinayso waddooyin tayo leh, waara, iyo adeeg bulshada u adeega.












