09-Dec-2025
Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda waddooyinka Puntland Abdirizak Mohamed Hayir oo ay weheliyaan khuburo katirsan hay’adda PHA ayaa maanta ka qaybgalay kulan watashi ah oo u dhaxeeyay hay’adaha Dowladda iyo hay’adda WFP.
Shirka waxaa looga arrinsanahay qorshaha WFP Somalia (2026-2030) iyo iswaafajinta qorshaha guud ee Puntland (Puntland Five Year plan 4).
Kulanka waxaa furay wasiirka Qorshaynta Puntland Daa’uud Bisinle, waxaana ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka, Ubax Cabdirashiid, agaasimayaasha Wasaaradaha iyo khuburo ka socotay dowladda.











