22-Jan-2026
Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA), Dr. Cabdifitaax Sugulle, ayaa kormeer ku sameeyay daah-furka wajiga koowaad ee dhismaha laamiga Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Wajiga koowaad ayaa lagu dhammaystiray laamiga dhex mara deegaanka Bacaadweyn, kaas oo laga soo bilaabay kontoroolka waqooyi, soona gaaray koonfurta magaalada, halkaas oo laga sii wado dhismaha.
Laamigan cusub wuxuu qayb ka yahay mashruuca ballaaran ee dhismaha waddada isku xirta Gaalkacyo iyo Bacaadweyn, mashruuc ay Puntland ku maalgelinayso canshuuraha dadweynaha.
Mashruuca waxaa kormeeraya Hay’adda Waddooyinka Puntland, halka shirkadda Kebarco Construction CO. ay fulinayso dhismaha.
#Bacaadweyn#Mudug#Puntland#Somalia#Kabarco#PHA















