Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Dr. Cabdifitaax Maxamed Sugulle, ayaa maanta Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Maxamed Jaamac Togox,

05-Feb-2026

Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland, Dr. Cabdifitaax Maxamed Sugulle, ayaa maanta Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Maxamed Jaamac Togox, taas oo lagu maamuusay laguna mahadceliyey waxqabadkiisa muuqda ee uu ka fuliyey Raas-casayr.

Maxamed Jaamac Togox wuxuu muddo dheer si hagar la’aan ah, iskaa wax u qabso ugu shaqaynayey dayactirka Waddada Dhabaaqa ee Gobolka, isagoo muujiyey wadaniyad dhab ah, naf-hurnimo, karti iyo is-xilqaan.

Tani waa tusaale nool oo muujinaya in horumarka dalku ku yimaado dadaal, daacadnimo iyo wax-qabad muuqda.

#puntland