
Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA), oo kaashanaysa shirkadaha dhismaha wadooyinkan ee Albshid iyo Kebarko, ayaa soo gabagabeeyey sahanka ( final survey) iyo kala asteynta kama dambaysta ah ee wadada Gaalkacyo – Bacaadwayne, oo dhererkeedu yahay 40km. Labada shirkadood ayaa loo calaamadeeyay 20km ay kiiba dhisayso.
Sahankan oo muhiim u ah bilowga dhismaha mashruuca, waxaa si wadajir ah u fuliyay 10 Injineero ka kala socday PHA iyo labada shirkadood, iyadoo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda PHA Dr. Abdifitah Sugule.
Ahmiyada Sahankaan waa u diyaar-garowga bilaabista shaqada dhismaha asbuuca soo socda. Xaqiijinta tayada wadada. Iyo Dardargelinta fulinta mashruuca.
Mashruucan wuxuu ka mid yahay mashaariicda lagu maalgelinayo caashuurta shacabweynaha Puntland, wuxuuna muujinayaa doorka togan ee dowladda iyo shacabka ku leeyihiin horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha Dowladda Puntland uu dhagax dhigay mashruucan asbuucii hore








