#Garowe 01-Dec-2025
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane Faarah Cawad iyo Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Dr Abdifitah Sugule ayaa maanta xafiiska wasiirka ku qaabilay wafadi ka socday Hay’adda Qaramada Madoobe UNOPS- uu hoggaaminyo Madaxa Xafiiska Soomaaliya iyo Madaxa Barnaamijiyada.
Waxaana laga wada hadlay shaqooyinka kaabayaasha dhaqaalaha ay UNOPS ka wado Puntland, gaar ahaan sahanka jidadka ay dhawaan bilaabayso Hay’addu.
Wasiirka ayaa bagaadiyay shaqada Hay’adda UNOPS ay kawada Puntland kuna booriyay in ay sii kordhiyaan shaqo tayo lehna ay qabtaan.











