09-Nov-2025 Bacaadweyn
Guddoomiyaha Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA), Dr. Cabdifitaax Sugulle, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dhismaha waddada Bacaadweyn–Dusmada. Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray habka tayada ciidda lagu dhisayo waddada iyo guud ahaan heerka uu mashruucu marayo.
Guddoomiyaha waxaa kormeerka ku wehliyay Lataliyaha Sare ee Hay’adda PHA ee Arrimaha Tayodhawrka Waddooyinka Eng. Mohamed Cabaas Nuur, injineerro ka tirsan hay’adda, iyo masuuliyiin iyo injineerro ka socda shirkadda Kebarco Construction oo gacanta ku haysa dhismaha. Sidoo kale, waxay booqdeen goobta laga soo qaado ciidda dhismaha waddada loo adeegsanayo.
Mashruuca dhismaha waddada Gaalkacyo–Bacaadweyn ayaa ka mid ah mashaariicda horumarineed ee ay Dawladda Puntland ka fulinayso gobolka Mudug, si loo xoojiyo isku xirka magaalooyinka iyo kor u qaadista kaabeyaasha dhaqaalaha.













