Agaasimaha Waaxda Dhismaha iyo Dayactirka Hay’adda Waddooyinka Puntland (PHA), Eng. Maxamuud Daahir Siciid, ayaa kormeer shaqo ku tagay hawlaha dayactirka ee buuxinta godadka waddada ay Hay’addu ka fulinayso waddada u dhexeysa magaalooyinka Qardho iyo Carmo.

07-Jan-2026

Kormeerkan ayaa kusoo aaday xilli si guul leh loo dhammeystiray shaqada dayactirka waddada isku xirta labadaas degmo.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Agaasimaha Waaxda Dhismaha iyo Dayactirka ayaa ka hadlay ujeeddooyinka iyo muhiimada ay leedahay shaqada dayactirka waddooyinka, isaga oo xusay doorka ay ka qaadanayso badbaadada gaadiidka, fududeynta isu-socodka, iyo horumarinta isku xirnaanta bulshada.

Gabagabadii kormeerkiisa, Agaasimaha waaxda ayaa u mahadceliyay hawlwadeennada PHA dadaalka, kartida, iyo naf-hurnimada ay ku muujinayaan gudashada waajibaadkooda, isaga oo ku bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ay hayaan.